su,aal & jawaab

03.11.2012 22:25

halkan oo aanu su,aalo iyo jawaabo ganacsiga ku saabsan ku soo banidhigi doono qaarkood !

 

 

s1: maxaa lagu kala saaraya hadii laba qof isku khilaafaan qiimaha wax ay kala iibsadeen markhaatina aysan haysan?

 

j1:qofka wax iibinaya ayaa dhaaranaya, isaga ayaan hadalkiisa la qaadan ama way kala noqonayaan.

 

s2:ma banaan tahayin badeecadalagu sii iibiyo meeshii lagu iibsaday?

 

j2:maya waa xaaraam.

 

s3:maxaa sabab u ah dhibaatooyinka iyo duliga heysta muslimiinta maanta?

 

j3:mucaamalo xumo, aduunyo jeceyl iyo jihaadkii oo laga tagay.

 

s4:qofku ma isi saari karaa deyn qof nool ama dhintay lagu leeyahay?

 

j4:HAA.

 

s5:yaa laga doonaya inay ka bixiyaan deyn lagu leeyahay qof muslim ah oo geeriyooday hadii la waayo qof ka bixiya dayntaas?

 

j5:dawlada islaamka ah.

 

s6:madaxwayne ama boqor ma xiran karaa dhul gaar ah si ay xoolihiisa kaliyah u daaqaan?

 

j6:maya, laakin dawlada islaamka ayaa dhul u xiri karta xoolaha muslimiinta kaliyah.

 

s7:lacag ma lagu qaadan karaa quraanka wax ku daawayntiisa?

 

j7:haa way banaa tahay.

 

s8:muxuu noqon xukunka qof guri ka dhista boos qof kale leeyahay?

 

j8:waa in laga dumiyaa gurigaas meesha, hadii uusan doonayn qofka booska leh in laga iibsado.

 

s9:maxaa lagu sameyn qofka haduu leeyahay warshad uu lacag badan ka helo,laakiin qiiqa ama qaylada warshadaas ka soo baxa ay dhibayaan dadka xaafadaas dagan?

 

j9:waa laga joojiin qofka wixii isaga faaiido u leh, laakiin dadka kale dhib u gaysanaya.

 

s10:sidee baa wanaagsan qofka wax laga amaahdo in loola dhaqmo?

 

j10:waxay akhyaarnimadu ku jirtaa in qofka wax laga daynsado wax ka fiican la siiyo.

 

 

 

 

 

 

2, GUURKA

halkan oo aanu su,aalo iyo jawaabo guurka ku saabsan ku soo bandhigi doono qaarkood!

 

 

 

s1:ninku haduu xaaskiisa ku yiraahdo hooyadeey oo kale ayaad iga tahay , xaaraam maka noqonaysaa ?

 

j2:xaaraam ayeey ka noqonaysaa ilaa uu kafaaro-guud la yimaado.

 

s2:nin iska ciyaaray haduu nin kale ku yiraahdo " gabadhayda waan kuu meheriyay" ninka iyo gabadhana is rabaan meherkaas ma jira?

 

j2:Haa haduu ninku aqbalo.

 

s3:haweenaydu ma dalban kartaa furitaan?

 

j3:HAA hadii ay sabab sharci ah haysato.

 

s4:maxay xaq u leedahay haweenayda uu ninkeedi ka dhintay iyagoon is taaban?

 

j4:meher iyo dhaxal, ciddo inay tirsatana waa laga doonaya.

 

s5:waa sidee inuu ninku xaaskiisa gadaal uga tago?

 

j5:meel aan ka ahayn meesha dhalmada (farjiga) waa mamnuuc in haweenayda looga tago lacnad ayaana ku dhacaysa qofkii sameeya.

 

s6:waa sidee xaasku inay iska diido ninkeeda isagoo uga baahan galmo?

 

j6:waa danbi waxayna isku darsan carrada allah iyo lacnada malaa´ikta.

 

s7:maxay xaq u leedahay maxkamad islaami ah oo ay usoo dacwootay gabar loo diiday wiil ay is rabaan inay is guursadaan?

 

j7:in aabaha lagu yiraahdo isku meheri, haduu diidana maxkamaddu isku meheriso.

 

s8:maxaa la gudboon gabar iyo wiil is rabaa, laakin la isu diiday?

 

j8:inay maxkamad islaami ah isla tagaan oo ay isku meheriso xattaa haduusan waalidku ogalayn.

 

s9:muxuu ninku ka samayn shardiga ay gabadhu qabsatay markii la nikaaxinayay?

 

j9:waa in loo oofiyaa shardigaas hadii uusan sharciga ka hor imaanayn.

 

s10:maxaa loo baahan yahay in la iska ilaaliyo marka la is shukaansanayo?

 

j10:isla cidloobid/khalwo, muddo dheer wada socosho,gacmo is qabsi, faaraanti isku galin waana dhaqamo xun-xun oo sharciga ka soo horjeeda.

 

 

 

 

3, WAX YEE LADA

halkan oo su,aalo iyo jawaabo wax yee lada ku saabsan ku soo bandhigi doono qaarkood!

 

 

s1:ma la oran karaa gaal ayaa muslim ka fiican?

 

j1:maya waana danbi wayn oo ay culumadu qaarkood yiraahdaan in diinta looga bixi karo, laakin wanaagooda waa la sheegi karaa.

 

s2:muxuu xalaal ku noqon karaa dhiiga qofka muslimka ahi?

 

j2:inuu zino la yimaado isagoo guur soo maray, inuu dilo qof muslim ah iyo inuu diinta islaamka ka noqodo.

 

s3:qof aan muslim ahayn ma lagu khasbi karaa islaamnimada?

 

j3:MAYA, haduusan cadawtinimo muslimiinta u gaysanayn,laakin waa loo sharaxaya oo waa loo soo bandhigayaa.

 

s4:waa imisa magta qofka loo dilo si u eg kas ula kac iyo gaf, qofkii dilayna la garanayo?

 

j4:100-neef oo geel ah, 40-kamidana ay irmaanyihiin.

 

s5:muxuu bixinayaa hadii dhakhtar la yaqaan qof uu daawaynayay ama qalayay dhinto?

 

j5:waxba looma haysto.

 

s6:muxuu mag ahaan u bixinayaa, qofkii ku dhufta qof kale dhaawac lafta cadeeya?

 

j6:shan neef oo geel.

 

s7:waa sidee qokii la dilo isagoo daafacanaya xoolihiisa?

 

j7:waa shahiid, haduu xoolaha uu isagu leeyahay daafacanayo, laakiin maaha inuu dhulka muslimiinta la kala leeyahay.

 

s8:mag ma leeyahay qofkii qof qaniina oo markaa ay ilkuhu ka daataan?

 

j8:MAYA, mag iyo aar gudasho midna malaha.

 

s9:mag ma leeyahay ilmaha ku dhinta uurka hooyadiis dhaawac hooyadiis loo gaystay awgeed?

 

j9:HAA waa leeyahay, laakiin mag dhamaystiran ma laha.

 

s10:waa imisa magta faraha?

 

j10:fartiiba waa 10-neef oo geel ah, faraha lugaha iyo gacmahaba